Magacaygu waa Yasin Mohamed, sidoo kale loo yaqaan Buurjooge. Waxaan ahay shaqsi leh khibrad ballaaran dhanka video editingcontent creation, iyo design. Waxaan u taaganahay sameynta muuqaallo tayo sare leh oo leh farriimo taabanaya nolosha dadka.

Website-kan waxaad ka heli doontaa:

  • 🎬 Adeegyo xirfadeed oo dhanka muuqaal-gareynta iyo nuxurka.
  • 📁 Tusaalooyin shaqo iyo mashruucyo hore.
  • 💡 Talooyin iyo aragtiyo cusub oo kaa caawinaya inaad horumariso nuxurkaaga dijitaalka ah.

Waxaan hadda si firfircoon uga mid ahay dadka baraha bulshada wax kusoo gudbiya, anigoo leh boggag rasmi ah oo ku yaalla FacebookYouTube, iyo TikTok. Waa safar cusubbilow cusub iyo fursado cusub — hadafkaygu waa inaan idinla wadaago muuqaallo faa’iido leh, xiiso leh, waxna kusoo kordhiya noloshiina.

Anigu waxaan ahay hal-abuur ku takhasusay abuurista muuqaalada, naqshadeynta, iyo qorista nuxurka. Waxaan diyaar u ahay inaan ka caawiyo shirkadaha, shaqsiyaadka iyo hay’adaha inay gaaraan himilooyinkooda iyagoo adeegsanaya video editinggraphic design, iyo content creation.

Shaqooyinka aan qabano waxaa ka mid ah:

Content Creation – Waxaan sameeyaa nuxur la jaanqaadaya baraha bulshada sida YouTube, TikTok, iyo Instagram — storytelling muuqaal leh.

Video Editing – Waxaan u habeeyaa muuqaalada si xirfad leh, anigoo isticmaalaya effects, color grading, transitions, iyo cod nadiif ah.

Cinematography & Filming – Waxaan qabtaa duubista muuqaalada (shooting) iyadoo la adeegsanayo qaabab xirfadeed iyo agab tayo leh.

Reels & Shorts – Waxaan sameeyaa reels iyo short videos kuwaasoo si degdeg ah u gaaraya daawadeyaal badan.

Graphic Design – Waxaan naqshadeeyaa thumbnails, posters, logos iyo social media posts oo soo jiidasho leh.

Concept & Scripts – Waxaan kaa caawin karaa qorista scripts iyo hindisida fikrado muuqaal u qalma.

Waxaan ku dadaaleynaa inaan bixino adeegyo tayadooda sareysa si aan u xaqiijino in macaamiisheena ay ku faraxsan yihiin natiijooyinka aan soo bandhigno.

Waxaan si guul leh u dhammeystiray mashaariic badan oo kala duwan, iyadoo macaamiishu ay ka faa’iidaystaan adeegyada aan bixino ee tayada leh.

Waxaa naga go’an inaan la guuleysano abaalmarino dhowr ah, kuwaasoo xaqiijinaya heerka sare ee xirfadda iyo hal-abuurka aan ku qabanno shaqada.

Boqolaal muuqaal ah oo xirfad leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dad badan. Waxaan ku dadaaleynaa inaan la wadaagno fikrado cusub iyo hal-abuur leh.

YASIN MOHAMED

© 2025 Buurjooge