
KUMAAN AHAY?
Magacaygu waa Yasin Mohamed, sidoo kale loo yaqaan Buurjooge. Waxaan ahay shaqsi leh khibrad ballaaran dhanka video editing, content creation, iyo design. Waxaan u taaganahay sameynta muuqaallo tayo sare leh oo leh farriimo taabanaya nolosha dadka.
Website-kan waxaad ka heli doontaa:
Adeegyo xirfadeed oo dhanka muuqaal-gareynta iyo nuxurka.
Tusaalooyin shaqo iyo mashruucyo hore.
Talooyin iyo aragtiyo cusub oo kaa caawinaya inaad horumariso nuxurkaaga dijitaalka ah.
Waxaan hadda si firfircoon uga mid ahay dadka baraha bulshada wax kusoo gudbiya, anigoo leh boggag rasmi ah oo ku yaalla Facebook, YouTube, iyo TikTok. Waa safar cusub, bilow cusub iyo fursado cusub — hadafkaygu waa inaan idinla wadaago muuqaallo faa’iido leh, xiiso leh, waxna kusoo kordhiya noloshiina.